Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta Degmada Buulo Burde kula wareegay deeq lacageed oo cadadkeedu dhan yahay labaatan kun oo dollar ($20,000).
Deeqdan lacageed ayaa ka timid Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Cali Shacbaan Ibraahim, oo deegaan doorashadiisu tahay Hirshabelle.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa u mahadceliyay Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare, isagoona xusay in qof kasta oo xabad sharoota ah ku deeqa ay maanta u mahadcelinayaan.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in cid kasta oo dooneysa inay ka qayb qaadato hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, ay soo dhaweynayaan deeq kasta oo itaalkeeda ah.
Gudoomiye Jeyte ayaa sheegay in lacagtani loo isticmaali doono taakuleynta ciidamada iyo sidii loogu biirin lahaa dadaalada hawlgalada socda.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com