Shaqaale ka tirsan Maxkamadda Gobolka Banaadir oo qarax lagula eegtay Muqdisho

Musharaf Maxamed Macalin oo ka tirsan Shaqaalaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta qarax lagula eegtay Magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa qarax u muuqday mid gaarigiisa loogu soo xiray uu kula qarxay agagaarka kontoroolka laga galo Madaxtooyada, gaar ahaan dhanka Isgoyska Sayidka.

Wararka ayaa sheegaya in Musharaf Maxamed uu ku dhaawacmay qaraxaasi, isla-markaana lagula cararay goobaha caafimaadka.

Musharaf Maxamed ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray qoraalo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab, tani oo loo fasirtay mid ay Shabaabku ka caroodeen.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha laamaha amniga ayaan weli ka hadlin qaraxan ugu dambeeyay ee maanta ka dhacay Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com