Wararkii ugu dambeeyay hawlgalada ka socda Gobolka Baay

Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed oo garabsanaya dadka deegaanka ee is abaabulay ayaa ku sii siqaya deegaanka Labaatan Jirow ee Gobolka Baay, ka dib markii ay maanta ka ruqaansadeen deegaanka Saydhaalow, oo shalay ay kala wareegeen maleeshiyada Al Shabaab.

Deegaankan oo ay Shabaabku ku leeyihiin saldhigoodu ugu weyn ee Gobolka Baay ayaa waxaa ku yaala xabsiga caanka ah ee 20 Jirow, waana xabsiga ay Dowladdii Militariga ku xiri jirtay dadka ku eedeysan xukunada siyaasadda, iyadoona uu Magaalada Baydhabo u jiro qiyaastii 60km.

Gulufka ku wajahan 20 Jirow ayaa waxaa horkacaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Ilyaas Cali Nuur oo ka mid ah masuuliyiinta hoggaaminaya hawlgalkaasi ayaa maanta sheegay in duulaankoodu uu ku wajahan yahay 20 Jirow.

Wasiirka ayaa dhanka kale beeniyay warar uu sheegay inay Shabaabku ku baahiyeen barraha bulshada, oo ay ku sheegayeen geeridiisa.

“Meesha aad joogtaan ee Labaatan Jirow ayaanba idinkugu imaanaynaa. Horaan idiin kugu sheegay Saydhaalow anigaa ka khudbadaynayo ama Cali Dheeraa ka khudbadeynayo wax ka dhaxeeyo maleh, teena ayaa fulayso, horeyna waan idiin kugu sheegay, wayna dhacday.”

Xildhibaan General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in iyaga iyo Shabaab ay ku dagaalamayaan aagga Labaatan Jirow, dagaalkuna uu bilow yahay.

“Dagaalka hadda waa bilow, goobo badan baan rajeynaynaa inaan ku duulno, kana qabano nimankan.” Ayuu yiri Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaanka ayaa yiri “Dagaalka inaan bilowno waxaa nagu khasbay nimanka kan in hal gobol lagala dagaalamo waa lagu ciribtiri waayay, maadaama Somaliya oo dhan ay u istaagtay la dagaalankooda, annagana Soomaalidaa ka mid nahay oo qaybtayada ayaa ka qaadanaynaa baabi’intooda iyo burburintooda.”

Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ayaa ku fidaya gobolada kale ee dalka. Maanta oo ugu dambeysay Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa hawlgalo ka bilaabay deegaano dhowr ah, oo hoostagga Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com