Wasiiradan ayaa maanta Degmada Wanlaweyn u tegay, sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha degmada iyo xaaladda amni ee degmadaasi.
Wafdigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, qaybna ay ka yihiin Wasiirka Amniga, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax).
Masuuliyiintan ayaa muddada ay halkaasi ku sugan yihiin waxa ay kulamo la qaadan doonaan maamulka gobolka, kan degmada iyo qaybaha bulshada.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com