Barre oo Dhaxal-sugaha Sacuudiga ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo magacaabay

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman ugu hambalyeeyay xilka Ra’iisal Wasaaraha Boqortooyada ee xalay loo magacaabay.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa qoraal uu saaka soo dhigay boggiisa Twitter-ka ugu hambalyeeyay Amiir Mohammed bin Salman.

“Waxaan u hambalyeynayaa Dhaxal-sugaha Boqortooyada, Mohammed bin Salman, munaasabadda ay Boqortooyada ugu magacawday inuu noqdo Ra’iisal Wasaare.

Waxaan u rajeynayaa caafimaad qab, inuu horumariyo Boqortooyada Sacuudiga iyo shacabkeeda, anigoo u rajeynaya bash-bash iyo xasillooni inta uu hoggaaminayo hoggaanka caaqilka ah.”

Boqorka Sacuudiga, Salman bin Abdulaziz ayaa wiilkiisa u magacaabay inuu noqdo Ra’iisal Wasaaraha Boqortooyada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com