Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta uu dagaal culus ka dhacay deegaanka Ceel-qooxle, oo u dhow deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka, ee dhawaan uun la wareegay deegaankaasi.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay iska caabin xoogan kala kulmeen Ciidamada Dowladda iyo xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaano, tani oo horseeday in dagaalku uu dhowr saacadood qaato.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay fashiliyeen weerarkaasi, isla-markaana ay maleeshiyada Shabaabka ku khasbeen inay dib u gurtaan.
Saraakiisha ayaa sheegaya in dagaalka lagu dilay in ka badan 30 ka mida maleeshiyadaasi, ayna haatan ku daba jooggaan firxadkoodii.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa la soo sheegaya in dagaalka uu ka soo gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com