Duqa Muqdisho oo deeq raashiin gaarsiiyay dadka barakacayaasha (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta deeq raashiin gaarsiisay qoysaska barakacayaasha ee degan Degmada Kaxda.

Qoysaskan ayaa la sheegay inay ka kala yimaadeen gobolada dalka, ka dib markii ay saameysay abaarta baahsan ee ka jirta qaybo ka mida dalka.

Dowladda Emirate-ka Carabta ayaa deeqdan soo gaarsiisay dalka, iyadoona soo marisay dhanka Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka.

Duqa cusub ee Muqdisho oo u istaagay, sidii wax loogu qaban lahaa dadka barakacayaasha ah ee soo gaaray Caasimadda Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saari doono u gurmashada qoysaska barakacayaasha.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Guddiga Abaaraha Heer Gobol ahna Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Basma Caamir Axmed (Jakeeti) iyo Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdullaahi ayaa sheegay in iyagoo fulinayo awaamiirta Duqa Muqdisho ay ka shaqayn doonaan qorshaha wax loogu qabanaayo dadka barakacayaasha ee ku sugan magaalada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com