Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa siyaabooyin kala duwan war uga soo saaray geerida Nabadoon Cilmi Hagar Guure, oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan.
Nabadoonka ayaa maanta ku geeriyooday weerar culus oo maleeshiyada Al Shabaab ku qaadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleyda, ee dhawaan la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceel-qooxle ee Gobolka Hiiraan, waana xilli nabadoonku uu ka qayb qaadanayay hawlgalada maleeshiyadaasi lagaga xoreynayo gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagoo ku sugan Magaalada Addis Ababa waxa uu war uu soo saaray ku sheegay “Nabadoon Cilmi Hagar waxa uu lahaa laba himilo oo aad u weyn, labadiiba waa ku guuleystay. In uu deegaankiisa ka xoreeyo argagixisada iyo in uu u shahiido isagoo dalkiisa ka difaacaya argagixisadan khawaarijta ah. Waxa uu tusaale u yahay sida halgankani uu uga dhab yahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.”
Ra’iisal Wasaare Barre ayaa waxa uu isna yiri “Mujaahid Cilmi wuxuu ka mid ahaa odayaashii ugu horreeyay ee diiday gumeysiga iyo dhibaatada ay dadka Soomaaliyeed ku hayso argagixisadu, wuxuuna astaan iyo halbeeg u yahay jihaadka iyo dabargoynta ka dhanka ah kuwa dadkeena nabadda iyo xasilloonida u diiday.”
Wuxuu Allah uga baryay Mujaahid Cilmi inuu ka waraabiyo Jannadiisa midda ugu sareysa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa fashiliyay weerar ballaaran, oo saakay ay Shabaabku ku qaadeen Ceel-qooxle, oo ku dhow xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com