Madaxweyne Guudlaawe oo amar duldhigay Ciidanka ATMIS

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe kula kulmay Taliyaha Qaybta 5aad (Sector 5) ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa faray in ay u diyaargaroobaan hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Kulankan oo uu qayb ka ahaa Gudoomiyaha Degmada Balcad, Qaasim Cali Nuur (Furdug) ayaa looga hadlay ammaanka guud ee deegaanada Hirshabelle, dardargelinta hawlgalada lagu wiiqayo kooxaha argagixisada iyo sidii si degdeg looga hawlgeli lahaa xoreynta deegaanada ay kooxahaasi haysteen.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa u mahadceliyay Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka deegaanada Hirshabelle, sida ay uga go’an tahay in deegaanadooda ka xoreeyaan maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com