Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ayaa ku geeriyooday dagaalka culus ee maanta ka dhacay deegaanka Ceel-qooxle ee gobolkaasi.
Nabadoon Cilmi Hagar Guure ayaa ka mid ahaa Hoggaanka Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan, ee qaybta ka ah gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ka tacsiyeeyay geerida nabadoonka.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Nabadoon Cilmi Hagar Guure. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee Gobolka Hiiraan, isaga oo ku shahiiday halgan xaq ah.” Ayuu Madaxweynuhu ku sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.
Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in nabadoonku uu ahaa shakhsi geesi ah, oo ay ka go’neyd hadafka xoreynta ee deegaanada Gobolka Hiiraan.
Gudoomiye Jeyte ayaa wacad ku maray in ay soo afjari doonaan maleeshiyada Al Shabaab ee ku harsan qaybo ka mida gobolkaasi, isla-markaana ay ka shalaayi doonaan dilka ay u gaysteen haldoorada gobolka qaarkood.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com