Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay dagaalka lagula jiro Shabaab (SAWIRRO)

Shirka Golaha Wasiirada ee maanta ayaa looga hadlay hawlgalada dib-u-xoreynta dalka iyo guulaha ay Ciidamada Dowladda iyo dadka deegaanka ka gaareen dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Shirka ayaa lagu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda iyo xoogaga deegaanka ay ka gaareen hawlgalada la doonayo in xididada loogu siibo Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Kulanka oo uu guddoominayay Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Wasaaradaha Difaaca iyo Amniga looga dhagaystay warbixino la xiriira hawlgalada maleeshiyadaasi looga saaray deegaano badan, qorshaha sugidda amniga iyo xasillinta deegaanada laga xoreeyay kooxaha argagixisada.

Toddobaadkii hore ayay Golaha Wasiiradu magacaabeen Guddiga Abaabulka & Isku-dubaridka howlaha dagaalka, waxaana wasaaradihii guddigaas ka midka ahaa uu maanta goluhu ka dhageystay qorshayaasha ay ka dejiyeen iyo waxqabadka illaa hadda ay ka sameyeen doorkooda ciribtirka kooxahaasi.

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa tilmaamay in qorshaha xukuumaddu yahay in guud ahaan dalka laga xoreeyo argagixisada, isla-markaana deegaan kasta oo la xoreeyay la gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada, si degdeg ahna looga hirgeliyo maamul iyo kala dambayn.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com