Somaliya iyo Mareykanka oo heshiis kala saxiixday (SAWIRRO)

Dowladaha Somaliya iyo Mareykanka ayaa Magaalada Muqdisho ku kala saxiixday 86.7 oo dollar, oo lagu horumarinayo dimoqraadiyadda, maamulka, xasillinta iyo adkeysiga.

Safiirka Mareykanka ee Somaliya, Larry André oo dowladdiisa u saxiixay heshiiskan ayaa sheegay in taageeradan dhaqaale lagu kordhinayo barnaamijka horumarinta ee Hay’adda USAID ka waddo dalka, waana taageero uu sheegay in lagu xoojinayo dib u soo nooleynta Somaliya.

Wasiirada Maaliyadda Cilmi Maxamuud Nuur iyo Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Beene ayaa soo dhaweeyay heshiiskan, iyagoona u saxiixay dhanka Dowladda Federaalka.

“Aad baan ugu faraxsanahay in aan Wasiir Cilmi ku wehliyo saxiixa heshiiska istiraatijiyadda horumarineed ee (DOAG), oo aan la gaarnay Dowladda Mareykanka, oo uu wakiil ka yahay Danjire Andŕe.” Ayuu yiri Wasiir Beene Beene.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com