Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Farxaan Qaroole

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qalabka Sida uga tacsiyeeyay geerida ku timid Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku shahiiday dagaalkii maanta ka dhacay deeganno ka tirsan Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay, sida ciidamada geesiyaasha ah ee Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay xoreeyaan dalka, oo ay nolol karaamo leh ugu noolaan lahaayeen dadkoodu ama in ay u shahiidaan iyagoo gudanaya waajibaadkaas qaran, waxa uuna sheegay in Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan, Alle ha u naxariistee uu go’aankaas lahaa, kuna shaqeeyay, maantana u shahiiday.

“Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askartii kale ee la shahiiday waxa ay waqtigoodii iyo naftoodooba u hureen, sidii ay nabad ugu noolaan lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxayna dadaal badan galiyeen, sidii Somaliya looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada ah.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa General Farxaan Qaroole iyo askartii kaleba ee la shahiiday waxa uu Alle uga baryay naxariistiisa Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo eheladii ay ka tageenna samir iyo iimaan in uu ka siiyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com