Sheekh Maxamed Shaakir oo sheegay in Ahlu Sunna iyo dowladda uu wada hadal u socdo

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa sheegay in iyaga iyo Dowladda Federaalka uu u socdo wada hadalo dhabaha loogu xaarayo, sidii ay labada dhinac isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxii hore ee Xukuumadda Galmudug ayaa sheegay in haatanba ay saraakiishooda iyo ciidamadoodaba ka qayb qaadanayaan hawlgalada ka socda Gobolka Galgaduud.

“Ciidamadeenii deegaankoodii ayay jooggaan, waxay ku jiraan dagaalka, hoggaamiyeyaasha hoggaaminaya ee saraakiisha tababaraya ayay ku jiraan.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir oo BBC la hadlay.

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan leenahay Ciidanka Dowladda Federaalka Somaliya ayay ku jiraan, shacabkiina waa ku jiraan, ayaga wayba ku ajarsanaayaanba.”

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa yiri “Runtii Ahlu Sunna Waljameeca marna dowladda lama dagaalamin, dowladdii hore ayadaa la dagaalantay oo ku soo duushay, ayada iyo waxaydiina way isla taggeen. Marka Ahlu Sunna Waljameeca waaba deegaanadii ay jooggeen, dadkii ay badbaadiyeen weeye, dowladda cusubna waa midda la doonayo marka ay ku dhawaaqday ficilkii aan samayn jirnay inay sameynayso, waa inaan ku garabgalno oo ku garab istaagno, oo ciidamadii iyo shacabkii kuligood lagu garab istaago.”

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa yiri “Maanta haddii deegaanadii kaceen oo dadkii ay leeyihiin deegaanadeeniiyaa badbaadsaneynaa, wax looga haraa meesha maba yaallaanba.”

Waxa uu intaasi ku daray “In nimankaa la suuliyo oo ummadda laga badbaadiyo waa midkii aan doonaynay weeye, waana midka aan isku garab istaagayno hadda oo isku bahaysanay, waana midka aan ka wada hadlayno rag ka mid ah dowladdii.”

Mar wax laga weydiiyay khilaafka kala dhaxeeya Dowlad Goboleedka Galmudug ayuu ku jawaabay “Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka arrimahaas oo dhan hadda waxay uga mideysan yihiin inay Shabaab la wada dagaalamaan, markii Shabaab la iska suuliyo, wixii soo haraa, hadde waaba wax yarba.”

Maamulkii Ahlu Sunna oo dhowr iyo toban sano ka arriminayay Gobolada Dhexe ayaa deegaanadoodii ka dhigay mid ka caagan weerarada maleeshiyada Al Shabaab, tani oo lagu macneeyay, iyagoo si wanaagsan u garanaya qidadda ama xeeladda dagaalka ee maleeshiyadaasi.

Villa Somalia ayaa dhawaan hubeysay Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee Degmooyinka Baxdo iyo Wisil ee Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com