Madaxweyne Xasan Sheekh “Ogow cadow waa hal, laba ma ahan”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaanu maanta dalku lahayn cadow aan ahayn mintidiinta Al Shabaab.

“Cadow waa hal, laba ma ahan, laba cadow malihin ee hal ayaan leenahay. Soomaaliyada maanta berri wixii Ilaahay ka dhigo ayay noqon doontaa, Insha’Allah. Maanta Soomaaliyada jirta hal cadow ayay leedahay, waana Shabaab.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Shabaabka wax qarxinayo iyo kan kale ee taageerayaba ay hal cadow wada yihiin.

“Ogow Shabaabka wax qarxinayo waa cadow, kan ku taageerayana, lacagta siinayo, qarinayo, guriga dejinayo, qalbigana kala jira cadow waaye.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa yiri “Meel dhexe oo la istaagaahi maanta Somaliya kuma taalo ama Shabaabaa tahay ama kan Shabaab la dirirayaa tahay, meel dhexe oo la istaago kuma jirto. Shabaab qori qaado kula dirir, gurigaga iyo gaarigaga haka ijaarin, meesha uu jooggo ha tagin, ka leexo, dadka u sheeg carabkaga kula dagaal.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaasi ku daray “Hal cadow baan leenahay, cadowgaas Shabaab baa la yiraahdaa, macnaheeda kan qaraxa sameynayo keliya maaha Shabaab, Shabaab kalkaal, beeso bixi, guri iyo baabuur ka ijaar, u soo iibi baabuur ee ka sii iibso. Walaalka Soomaaliyeedow Shabaab kalkaal ha noqonin, cadow waa hal, waana Shabaab.”

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ka dib markii uu maanta kaga qaybgalay Salaadda Janaasada ee Marxuum Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole), Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com