Akhriso: Magacyada Janaraaladii ku baxay gacanta mintidiinta Al Shabaab

General Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole), Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa Jimcihii ku geeriyooday qarax ka dhacay deegaanka Laba-buundaale ee duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, xilli Ciidamada Dowladdu ka wadeen hawlgal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha ayaa dhowr jeer oo hore ka badbaaday weeraro ay maleeshiyada Al Shabaab doonayeen inay ku qaarajiyaan, waxaana ugu dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee 10-kii bishii July ee sanadkii hore lagula eegtay Isgoyska Banaadir ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida Farxaan Qaroole, waxaana uu warsaxaafadeed ku sheegay “Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askartii kale ee la shahiiday waxa ay waqtigoodii iyo naftoodooba u hureen, sidii ay nabad ugu noolaan lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxayna dadaal badan galiyeen, sidii Somaliya looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada ah.”

Jananka ayaa noqonaya Janaraalkii 12aad ay Shabaabku dilaan, waana janaraalkii ugu da’da yaraa ee gacantooda ku baxa, inta ay taariikhdu qoreyso.

Janaraaladan oo ka kala tirsanaa Ciidamada Booliska iyo Xoogga Dalka ayaa kala ah General Maxamad Ibraahim Faarax (Gordon), General Nuur Shirbow, General Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan), General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale), General Ismaaciil Axmed Cismaan, General Maxamuud Xaaji Cali, General Cabdullaahi Maxamed Sheekh (Quruurux), General Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere), General Cabdi Cali Jamaame, General Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi (Qooje), General Maxamed Nuur Galaal iyo General Farxaan Qaroole oo ugu dambeeyay.

Saraakiishan ayaa u badan kuwo xilal ka soo qabtay Talisyada Xoogga Dalka iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana masuuliyadda dilkooda sheegtay Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com