Ciidamada Dowladda oo soo baneeyay deegaano dhaca Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda ay maanta dib uga soo baxeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, oo ay dhawaan kala wareegeen maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay soo baneeyeen fariisimihii ay ku lahaayeen deegaanada Yasooman, Moqokori iyo Ceel-qooxle.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyada Al Shabaab ay durbaba dib ula wareegeen gacan ku haynta deegaanadaasi.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamada ay sidoo kale soo baneeyeen deegaano kale oo dhaca bariga gobolkaasi.

Tani ayaa la sheegaya inay dib u dhac ku noqonayso gulufkii maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayay deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com