Golaha Guurtida Somaliland oo muddo xileedka u kordhiyay Madaxweynaha

Golaha Guurtida Somaliland oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Hargeysa ayaa muddo laba sano ah ugu kordhiyay muddo xileedka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo ku eg 13-ka bisha soo socoto ee November.

Golaha Guurtida ayaa sidoo kale muddo shan sano ah ku kororsaday muddo xileedkooda.

Saleebaan Maxamuud Aadan, Gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa ku dhawaaqay in muddo xileedka loo kordhiyay Madaxtooyada iyo tan golahaasi, ka dib codeyntii maanta.

Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo UCID ayaan weli ka hadlin muddo kordhinta Madaxtooyada iyo tan Golaha Guurtida, waxayna horey uga yimaadeen wax muddo kororsi ah, doorashana la qabto.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com