Marxuum Farxaan Qaroole oo aas qaran loogu sameeyay Muqdisho (SAWIRRO)

Allaha u naxariistee Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, General Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin kale ayaa Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka kaga qaybgalay Salaadda Janaasada ee Marxuum Farxaan Maxamuud Aadan, oo shalay ku geeriyooday qarax ka dhacay deegaanka Laba-buundaale ee duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Farxaan Qaroole uu ahaa geesi ay ka go’neyd in uu argagixisada ka xoreeyo dalkiisa, dhagartoodana ka difaaco dadkiisa Soomaaliyeed.

“Dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay leeyihiin hal cadow oo ay tahay in ay cudud iyo caqliba u mideeyaan. Caqli saliim ah ma ahan in aynu aqbalno ficilladooda gumaadka ah. Qofkasta oo Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah in uu doorkiisa ka qaato dagaalka ka dhanka argagixisadaas.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay damiir xumo tahay ganacsatada hantidooda sida baadda ah u siiya Al Shabaab, taas oo ah waxa ay ku maalgeliyaan dhagarta ay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed ee birmageedada ah, dowladduna aysan aqbalayn arrinkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com