Xarunta Ciidanka Haramcad oo loogu magac-daray General Farxaan Qaroole

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Xerada Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad ugu magac-daray Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, General Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole), oo sidoo kale horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Haramcad.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo Warbaahinta kula hadlay Xerada Ciidanka Haramcad ayaa ku dhawaaqay in xeradaasi loogu magac-daray General Farxaan Qaroole.

“Xeradan aan maanta joogno oo ah Xarunta Ciidanka Haramcad, laga bilaabo maanta waxaa loo bixinayaa ama loo bixiyay ama aan ku dhawaaqaya Xarunta Ciidanka Haramcad ee General Farxaan. Magacaas ayaad qaadan doontaan, uguna imaan doontaan, si magaciisu uu u noolaado, isaga iyo intii la halmaasha.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri “Doraad oo ugu dambeysay oo halkan wada joognay, wuxuu i tusayay ciidanka dhintay, oo uu u sameeyay kaarto/diiwaan, ee uu yiri hebel iyo hebel.”

“Allaha u naxariisto, ciidankiisaa jeclaa, Sarkaalka waxaa lagu gartaa ciidanka uu xukumo.” Ayuu yiri General Xijaar oo intaasi ku daray “Ciidankiisaa jeclaa, madaxdiisaa jecleyd, shacabkiisaa jeclaa, Magaalada Xamar ayaa laga jeclaa. Ilaahay ha u naxariisto.”

General Xijaar ayaa shakhsi kasta oo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka tirsan kula dardaarmay in uu noqdo, sida Farxaan Qaroole oo kale.

General Xijaar ayaa ku dhawaaqay magaca cusub ee xeradaasi loo bixiyay, xilli uu ku labisnaa tuutaha Ciidanka Haramcad.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com