Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyadii mataanaha ahaa ee maanta lagu weeraray Xerada Lama Galaay ee Magaalada Beledweyne.
Afhayeenka Hawlgalada Ciidamada Al Shabaab, Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in weeraro ismiidaamin ah ay maleeshiyadoodu la eegteen xeradaasi.
“Waxaa xurunta la beegsaday ku sugnaa musuuliyiinta ugu sarreysa Maamulka Gobolka Hiiraan. Khasaare lixaad leh baa halkaas ka soo gaaray. Masuuliyiin, Saraakiil ciidan, kuwa maamul iyo askar, intaba way ku la’deen halkaasi.” Ayuu yiri Abuu Muscab.
Abuu Muscab ayaa sheegay in sidoo kale ay qaraxyadu waxyeelo ka soo gaareen Ciidanka Militariga Jabuuti ee wax ka ilaaliya Xerada Lama Galaay, sida uu yiri.
Wasiirkii Caafimaadka Hirshabelle, Sakariye Maxamed Axmednuur (Hurre) iyo Gudoomiye Kuxigeenkii Maamulka & Maaliyadda ee Gobolka Hiiraan, Abuukar Cabdullaahi Maadeey ayaa ka mid ah dadka ku dhintay qaraxyadaasi.
Qaraxyadan ayaa gaystay burbur lixaad leh, iyadoo burbur weyn uu ka muuqanayo dhismooyinkii ku yaalay Xerada Lama Galaay, oo ay ku dhex taalo Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle ee Gobolka Hiiraan.
Dadka reer Beledweyne waxay maanta u tahay mid ka mida maalmihii ugu adkaa, ee ay noloshoodu la kulmaan.
Qaraxyadan ayaa imaanaya, xilli gobolku uu ka soconayo guluf la doonayo in xididada loogu siibo Shabaabka hubeysan ee arrimiya qaybo ka mida gobolkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com