Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii bahalnimada ahaa ee maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, oo dad aan waxba galabsan lagu laayay.
“Falkan wuxuu caddayn u yahay, sida ay weli ugu ooman yihiin kooxaha nabadiidku daadinta dhiigga dadka shacabka ah, waana mid ay rabaan in ay ku niyad jebiyaan dadka u istaagay dagaalkooda, dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee maalin walba ay daadinayaan ma ahan mid looga hari doono.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa amray Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha kale ee dowladdu inay gurmad degdeg ah u fidiyaan dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi.
Ra’iisal Wasaare Barre ayaa waxa uu mar kale bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay xoojiyaan dagaalka lagu ciribtiraayo kooxahan xagjirka ah ee baneystay nafta, maalka iyo sharafka ummadda.
Ra’iisal Wasaare Barre ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadkii ku naf waayay qaraxyadaasi, wuxuuna Allah uga baryay caafimaad degdeg ah in uu siiyo dadkii kale ee ku dhaawacmay qaraxyadaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com