Ciidamada Dowladda oo hawlgal gaar ah ku dilay Sarkaal sare oo Shabaab ahaa

Dowladda Somaliya ayaa sheegtay in hawlgal qorsheysan lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, kaasoo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Nadiir.

War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in Sarkaalkan lagu dilay hawlgal 1-dii bishan ka dhacay deegaanka Xaramka ee Gobolka Jubbada Dhexe.

“Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Nadiir ayaa ahaa Madaxa Dacwadda ee kooxda waana mid ka mid ah kuwa ugu sharta badan Khawaarijta Al-Shabaab.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay “Horjoogahan oo madaxiisa ay saarneyd lacag ayaa ka mid ahaa kuwa ay sida weyn u doon dooneysay Dowladda Somaliya, oo kaashaneysa saaxiibada caalamiga ah, waxaana ugu dambayn soo helay Sirdoonka Qaranka ee Somalia, NISA.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com