Dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii xooganaa ee maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa la soo gaarsiiyay Magaalada Muqdisho.
Masuuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay dadkaasi, si ay ugu muujiyaan in ay garab taagan yihiin.
Dhaawacyada ayaa la geeyay xarumaha caafimaadka ee magaalada ku yaala, goobahaas oo xaaladooda lagula tacaalayo.
Duqa Muqdisho oo cambaareeyay qaraxyadaasi ayaa sheegay inaanay niyad jebin doonin kacdoonka shacabka, ee lagula dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab.
“Falalka bahalnimada ah oo ay gaysanayaan kooxaha argagixisada, ma noqon doono mid niyad jebiya kacdoonka shacab iyo midka ciidankeena geesiyaasha ah ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada. Reer Hiiraan waxa aynu la qaybsanaynaa dhibta iyo xanuunka, waxaan leenahay Allah ha idin la jiro, annagana mar walba waxaan nahay garabkiina.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Duqa Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay meel kasta oo ay jooggaan inay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, ciidankana lagu garabsiiyo, sidii ay Shabaab u soo afjari lahaayeen.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com