Laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray Xerada Lama Galaay, iyadoona ay qaraxyadaasi gaysteen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dadka dhintay waxaa ku jira masuuliyiin heer gobol iyo heer Dowlad Goboleedba.
Illaa labaatan qof ayaa la ogyahay inay ku dhinteen qaraxyadan, oo masuuliyadooda ay sheegteen mintidiinta Al Shabaab.
Dadka ku dhintay qaraxyadaasi waxaa laga xusi karaa Wasiirkii Caafimaadka Hirshabelle, Sakariye Maxamed Axmednuur (Hurre), Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle iyo Gudoomiye Kuxigeenkii Maamulka & Maaliyadda ee Gobolka Hiiraan, Abuukar Cabdullaahi Maadeey.
Qaraxyadan ayaa sidoo kale gaystay burbur lixaad leh, iyadoo burbur weyn uu ka muuqanayo dhismooyinkii ku yaalay Xerada Lama Galaay, oo ay ku dhex taalo Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle ee Gobolka Hiiraan.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Somaliya,, Xamse Cabdi Barre ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkaasi bahalnimada ah.
“Falkan wuxuu caddayn u yahay, sida ay weli ugu ooman yihiin kooxaha nabadiidku daadinta dhiigga dadka shacabka ah, waana mid ay rabaan in ay ku niyad jebiyaan dadka u istaagay dagaalkooda, dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee maalin walba ay daadinayaan ma ahan mid looga hari doono.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa dhankiisa sheegay in argagixisadu ay cadow ku yihiin jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, ayna caadeysteen gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay inay ku jabeen dagaaladii u dambeeyay ee lagula galay deegaanada Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in si wadajir ah ay uga qaybgalaan hawlgalada dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada, waxaana uu yiri “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Qaraxyadii argagixiso ee ka dhacay Magaalada Beledweyne waxa ay ka marag kacayaan, sida ay argagixisadu cadow ugu yihiin nolosha ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalkeenna.” Ayuu Madaxweynuhu ku sheegay warsaxaafadeed.
Qaraxyadan ayaa u muuqday kuwa ay Shabaabku isaga qafiifinayaan gulufka baaxadda leh ee gobolka ka socdo, iyadoo ay Beledweyne ahayd xudunta hawlgalka uu hadafkiisu yahay in lagu wiiqo maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan qaybo ka mida gobolkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com