Madaxweyne Xasan Sheekh oo amar siiyay laamaha amniga ee ka hawlgala Hirshabelle

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayay qaraxyadii maanta ka dhacay Magaalada Baladweyne.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi in uu Alle u boogo dhayo, isagoona Xukuumadda Federaalka ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladooda caafimaad.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxyada argagixisanimo ee ka dhacay Magaalada Baladweyne waxa uu muujinayaa yoolka cadowga dadka Soomaaliyeed, oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha ammaanka Heer Federaal ee ku sugan Hirshabelle iyo kuwa heer Dowlad Goboleed in ay sare u qaadaan feejignaantooda amni, kana hortaggaan falalkooda bahalnimada ah, maadaama buu yiri argagixisada lagu soo jebiyay furimaha dagaalka, lagana xoreeyay deegaanada ay naf bideen in ay magaalooyinka ka sameeyaan falal naf la caarinimo ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay bulshada Hirshabelle in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo dhameystiro buu yiri xoreynta deegaanada ay argagixisadu ka soo maleygayaan dhagarta iyo gumaadka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com