Qarax saddexaad oo ka dhacay Magaalada Beledweyne

Qaraxii 3aad oo ismiidaamin ahaa ayaa galabta ka dhacay meel aan sidaasi uga fogayn Xerada Lama Galaay ee Bariga Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa dhacay dhabarka dambe ee Saldhigga Booliska Beledweyne, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya gaari nooca raaxada oo walxaha qarxa lagu soo raray in lagu weeraray, xilli ay aagga Xerada Lama Galaay ka socotay daad-gureynta dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii hore ee barqanimadii maanta ka dhacay magaaladaasi.

Rasaas xoog leh ayaa laga maqlaya aagga Xerada Lama Galaay, mana cadda haddii dableyda hubeysani ay gudaha u gashay xeradaasi iyo haddii kaleba.

Sidoo kale ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxan ugu dambeeyay, ha yeeshee illaa labaatan qof ayaa ku dhimatay qaraxyadii hore ee maanta ka dhacay magaaladaasi, tiro intaasi ka badana way ku dhaawacantay.

Waa markii ugu horreysay oo illaa saddex qarax oo ismiidaamin ah ay ka dhacaan Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com