Mareykanka oo sheegay inuu duqayn ku dilay horjooge ka tirsan Shabaab

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa war ka soo saaray dilka ay mar sii horreysay Dowladda Somaliya sheegtay in Sarkaal sare oo Al Shabaab ka tirsanaa loogu gaystay Gobolka Jubbada Dhexe.

“Iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Somaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa 1-dii bishan October duqayn cirka ah ku qaaday shabakadda Al Shabaab ee ka dagaalanta Somaliya. Weerarka ayaa ka dhacay meel u dhow Jilib, oo qiyaastii 370km dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Magaalada Muqdisho.” Ayaa lagu yiri warka Taliska AFRICOM.

Warka laguma xusin magaca Sarkaalka lagu dilay duqayntaasi, marka laga soo taggo in lagu qaarajiyay horjooge ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

“Qiimeynta bilowga ah ee taliska ayaa ah in duqaynta lagu dilay horjooge ka tirsan Al Shabaab iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay amaba ku dhintay duqayntaasi.” Ayaa lagu sheegay warka.

“Al Shabaab waa shabakadda ugu weyn Al Qaacidda, uguna firfircoon caalamka, waxayna caddeysay rabitaankeeda iyo awoodda ay u leedahay inay weerarto Ciidamada Mareykanka, oo ay khatar ku noqoto danaha ammaanka Mareykanka. Taliska Mareykanka ee Afrika, oo ay wehliyaan la hawlgalayaasha ayaa sii wada tallaabooyinka looga hortagayo kooxdan argagaxisada ah ee xaasidka ah, isla-markaana soo abaabusha weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah.” Ayaa lagu yiri warka.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay inay sii wadi doonaan qiimeynta natiijada hawlgalkan, ayna dib ka soo saari doonaan macluumaad la xiriira.

Dowladda Federaalka ayaa magaca Sarkaalka sare ee duqayntaasi lagu dilay ku sheegtay Cabdullaahi Nadiir, kaasoo ay sheegtay inuu ahaa Madaxii Dacwadda ee Al Shabaab, loona diyaarinayay in uu bedelo hoggaamiyaha bukaan socodka ah ee Al Shabaab, Axmed Diiriye Abuu Cubeyda.

“Horjoogahan oo madaxiisa ay saarneyd lacag ayaa ka mid ahaa, kuwa ay sida weyn u doon dooneysay Dowladda Somaliya, oo kaashaneysa saaxiibada caalamiga ah, waxaana ugu dambayn soo helay Sirdoonka Qaranka ee Somalia, NISA.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka.

Mareykanka ayaa horaan saddex milyan oo dollar duldhigay madaxa ninkan, waxaana uu ka mid ahaa Saraakiisha Shabaabka ee sida weyn loo baadigoobayo.

Nadiir oo 44 jir ahaa ayaa xilal dhowr ah ka soo qabtay ururkaasi, sida Madaxa Golaha Shuurada, Xoghayaha Warfaafinta iyo Madaxa Maaliyadda, waxaana uu xilligan Shabaabku ugu magacawnaa Madaxa Dacwadda, ka dib markii uu bedeay Fu’aad Maxamed Khalaf (Fu’aad Shangole).

Haddii Taliska AFRICOM uu xaqiijiyo dilka Nadiir ayaa waxay dhabarjab ku noqon doontaa Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Mareykanka oo Villa Somalia ka taageero weerarada dhinaca cirka ayaa u muuqdo mid billihii ugu dambeysay kordhiyay duqaymaha ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com