Dowladda Federaalka ayaa maanta ciidan cusub gaysay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, si ay uga qayb qaataan gulufka ka soconaya gobolkaasi.
Ciidamadan ayaa la socday diyaarad duhurnimadii maanta ka ambabaxday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo la socday ciidamadaasi ayaa sheegay inay ka qayb qaadan doonaan hawlgalada gobolka looga xoreynayo maleeshiyada Al Shabaab.
“Waxaan maanta gaaray Magaalada Beledweyne, waxaana safarka igu wehliyay ciidamo qayb ka noqon doona xoojinta hawlgalada lagu baacsanayo haraadiga argagixisada.” Ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
Gobolka Hiiraan ayaa ah furinta keliya ee uu dagaal toos ah ka soconayo, iyadoona Shabaabku dareemeen baaxadda culeyska ka soo fuulay gobolkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com