Deni oo markii ugu horreysay ka hadlay gulufka ka dhanka ah Shabaab ee dalka ka socda

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta bogaadiyay kacdoonka shacabka ee dalka ka bilowday, isla-markaana ay dadka shacabka ahi kula dagaalamayaan maleeshiyada Al Shabaab.

“Waxaan runtii halkan baaq uga dirayaa dadka Soomaaliyeed ee hadda bilaabay inay iska saaraan cadowga, in ay sii xoojiyaan leeskuguna taggo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha ayaa yiri “Nabadgelyadeena inaan ilaashano, horumarkeena inaan ka shaqayno. Dalka inaan u soo jeedsano, gacana amnigiisa inaan uga shaqayno, gacana horumarkiisa aan uga shaqayno, annagoo wadajirna oo isku duuban, maxaa yeelay xaaladaha dalku marayo waa xaalado adag, oo u baahan in midnimada iyo isku duubnimada aad loo xoojiyo.”

Madaxweyne Deni ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxyadii maalintii Isniinta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Deni ayaa hadalkan ka sheegay Bandhigga Carwada Shaqo, oo uu maanta ka daahfuray Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com