Fiqi oo Taliska Xoogga Dalka kala hadlay qorshaha deegaanada la xoreeyay (SAWIRRO)

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hawlgalada dib-u-xoreynta ee dalka ka socda, ka jawaabidda abaaraha, u gargaaridda dadka ku dhaqan deegaanada la xoreeyay, baahinta maamulada & adeegyada bulsho iyo xasillinta guud ahaanba.

Taliyaha ayaa Wasiirka la wadaagay baahiyaha ay ku arkayn deegaanada illaa iyo hadda la xoreeyay, aragtidooda la xiriirta sida dadkaasi loo caawin karo iyo xasillinta.

Sidoo kale Taliyaha oo ka hadlayay arrimaha abaaraha ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidan, gaadiid iyo dhammaan tasiilaadka kale ee dadka iyo deegaanada looga hor wareejinayo kooxaha argagixisada, laguna gaarsiinayo gargaarka iyo dhammaan adeegyada kale ee ay dadku u baahan yihiin, waxaana uu wasaaraddu ka dalbaday in ceelal biyo, raashiin, dawo iyo adeegyo kale loogu diyaargaroobo deegaanada ay halista ku hayaan kooxahaasi, iyaguna ka Xoogga Dalka ahaan ay damaanad qaadayaan gaarsiinta iyo qaybintooduba.

Wasiir Fiqi ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ammaanay dadaalada ay ku bixinayaan hawlgalada dib-u-xoreynta, guulaha ay gaareen, isaga oo adkeeyay garab istaagga wasaaradda iyo guud ahaan hay’adaha dowladda. Wasiirku waxa uu ku dheeraaday qorshaha wasaaradda ee la xiriira arrimaha gargaarka, xasillinta iyo ka jawaabista dhammaan baahiyaha adeeg ee haysta shacabka ku dhaqan deegaanada ay hawlgaladu ka socdaan.

Fiqi ayaa Taliyaha iyo Saraakiishii la socdayba la wadaagay qorshaha ay wasaaradda iyo hay’adaha caalamiga ah ugu talagaleen caawinta dadka ku nool deegaanada la xoreeyay, isaga oo hoosta ka xariiqay sida ay muhiim u tahay in la isku dhex wado dagaalka xoreynta iyo gargaarka shacabka.

Labada dhinac ayaa dhisay guddi, si wadajir ah uga shaqeeya isku xirka howlaha socda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com