Madaxweyne Biden oo khadka teleefanka kula hadlay Madaxweynaha Ukraine

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in lix boqol oo milyan oo dollar ($600M) oo kale oo gargaar militari ah ay siin doonaan Ukraine.

Washington ayaa sheegtay in taageeradan ay ugu talagashay dagaalka adag, ee ay Kyiv kala horeeddo duulaanka Moscow.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo khadka teleefanka kula hadlay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa u sheegay in Mareykanka uu Ukraine siin doono taageero, illaa iyo inta ay u baahan tahay.

Sidoo kale Madaxweyne Biden ayaa dhiggiisa Ukraine u sheegay inaanu Mareykanku ebid aqoonsan doonin tallaabada uu Ruushka dalkiisa ugu darsaday afarta gobol ee kala ah Donetsk, Luhansk, Zaporizhzhia iyo Kherson.

Dhanka kale Ciidamada Ukraine ayaa horumar ka sameynaya dagaalka ka socda bariga iyo koonfurta dalkaasi, iyadoona ay Ciidamada Ruushka isaga baxeen dhul hor leh.

Ciidamada Ruushka oo muddooyinkii ugu dambeysay uu culeys ka haystay dhanka Gobolka Donetsk ayuu hadda culeys kale ka soo fuulay dhanka Gobolka Kherson.

Khubarada ayaa fahamsan inaanu Ruushku xujo ku noqon lahayn dagaalkan uu kula jiro Ukraine, haddii aanay taageero dhinac kastaba leh ka heli lahayn Reer Galbeedka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com