Tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii Beledweyne oo la shaaciyay

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Beledweyne ayaa shaaciyay tirada dadka ku waxyeeloobay qaraxyadii maalin ka hor ka dhacay magaaladaasi.

Gudoomiyaha ayaa tirada dadka ku dhintay qaraxyadaasi ku sheegay soddon qof, halka dhaawacuna uu ku sheegay sideed iyo konton kale.

“Waxaan rabaa marka hore inaan tacsi u diro dadkii ku geeriyooday falkii fuleynimo ee argagixisadu sameysay, kana dhacay Magaalada Beledweyne, gaar ahaan Xarunta Gobolka illaa dhanka bacadlaha ragga, dadkii ku baaba’ay ee isugu jiray shacab, askar iyo madax, intaba.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

“Meeshaa waxaa ku dhintay dad 30 qof ah, inta aan xaqiijinay meydkooda.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaasi ku daray “Dhaawacuna waa 58 qof, inta aan xaqiijnay, laga yaabo inay ka sii badan yihiin oo isbitaalo badan ayaa magaalada ku yaala.”

Dhanka kale Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa Dowladda Federaalka ka codsaday inay Beledweyne u soo dirto guddi baara qaraxyadaasi, oo tuhun ay ka muujinayaan in Shabaab laga gacan siiyay in qaraxyadaasi ka gaystaan magaalada.

“Argagixisadu dhibaato waa gaysataa, waa hay’ad argagixiso ah, waana virus ummadda dhiigeeda caadeysatay, laakiin waxaa la rabaa masuuliyaddu inay cid yeelato. Saddexda baabuur ee subaxii hore laba soo gudubtay, midna galabtii soo gudbay, saddexduba buundadaasi ayay ka soo gudbeen, labada dhinacna waxaa ka joogga ciidan boolis ah.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha ayaa Talisyada Booliska iyo Nabad Sugidda ee Gobolka Hiiraan ku eedeeyay inay ka gaabiyeen waajibaadkii loo igmaday, xilli ay dagaal adag kula jiraan maleeshiyada Al Shabaab.

Jeyte ayaa arrinta baaritaankaasi u daayay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka, isagoo hoostana ka xariiqay inay sii wadi doonaan gulufka ay kala horjeedaan Shabaab.

“Hadda waxa ay sameeyeen waa gacan munaafaq, qaraxyada ay meeshaa ku soo celiyeen saddexda jeer iyo khasaaraha dhacay wax isu dhow ma ahan, waxaana nooga qorsheysan Shabaab ama ha boodo ama ha deggo ama aabihii bidixda haku salaamo, Shabaab haddana xooggiisaa burburinaynaa, saacadaha ku soo xigana ukumihiisaa bixinaynaa. Ilmihiisa iyo xaasaskiisa magaaladan ayay jooggaan, halkan ayay jooggaan waan ognahay.” Ayuu yiri Jeyte.

Jeyte ayaa intaasi raaciyay “Shabaab hadda waxaan la dagaalamaynaa kiisii qoriga sitay, islaamihiisa, carruurihiisa, ukumihiisa iyo kii berri’ la shaqeeyay, lama cafin doono. Ninkii guri ka ijaaray asagana inuu xabsi muteysanayo, gurigana in lala wareegayo oo dowladdu la wareegayso. Hadda qof kastaa Shabaab ha iska saaro.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com