Wasiirka Isgaarsiinta Algeria oo dhambaal soo gaarsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan kula qaatay Villa Somalia Wasiirka Isgaarsiinta Algeria, Mohamed Bouslimani ayaa ka guddoomay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha dalka Algeria, Abdelmadjid Tebboune.

Wasiirka ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa, isaga oo muujiyay dareen qaddarin iyo tixgelin ku dheehan tahay, oo dalkiisu ay u hayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Dhambaalkan uu guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku saleysan martiqaadka shir madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta, oo bisha soo socota ka furmaya dalka Algeria, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhambaal iyo farriin aqbalaad ah uu u diray dhiggiisa dalkaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in labada dowladood ay sii ambaqaadaan is afgaradkii ka soo baxay kulankii labada Madaxweyne ay bishii September ku yeesheen Magaalada New York, kaas oo ku saabsanaa iskaashiga diblomaasiyadeed iyo in labada dal ay yeeshaan xiriir toos ah.

Ugu dambayn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wafdiga dalkaasi ka socday la wadaagay xaaladda dalka, dadaalka dowladda & shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dib-u-xoreynta dalka, isagoo rajeeyay in dhambalkan iyo wada hadalada labada dal ay dhabaha u xaaraan, sidii loo soo celin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dowladood.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com