Ciidamada Dowladda ayaa Magaalada Beledweyne ka bilaabay hawlgal lagu qabqabanayo dadka looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin amaba xiriirka la leeyihiin maleeshiyada Al Shabaab, ka dib qaraxyadii waaweynaa ee maalintii Isniinta gilgilay magaaladaasi.
Qaraxyadan oo ay masuuliyadoodu sheegatay Al Shabaab ayaa galaaftay nolosha 30 qof, halka 58 kalena ay ku dhaawacantay.
Hawlgalka oo magaalada ka bilowday habeenkii Talaadada ayaa illaa iyo hadda lagu soo qabqabtay tiro dad ah, kuwaa oo aan tiradooda rasmiga ah la sheegin, waxaana dadkan lagu baarayaa xarumaha laamaha amniga ku leeyihiin magaaladaasi.
Taliye Kuxigeenka Saldhigga Booliska Beledweyne, Bashiir Cadaani ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen dad fara-badan.
“Hadda waxaan u malaynaa dhinac dambe oo ay ka soo geli karaan ma jirto, badanaa waxay ka yimaadaan buundooyinka, buundooyinkii oo dhana waan xirnay.” Ayuu yiri Taliye Kuxigeenka.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Beledweyne ayaa yiri “Hadda waxa ay sameeyeen waa gacan munaafaq, qaraxyada ay meeshaa ku soo celiyeen saddexda jeer iyo khasaaraha dhacay wax isu dhow ma ahan, waxaana nooga qorsheysan Shabaab ama ha boodo ama ha deggo ama aabihii bidixda haku salaamo, Shabaab haddana xooggiisaa burburinaynaa, saacadaha ku soo xigana ukumihiisaa bixinaynaa. Ilmihiisa iyo xaasaskiisa magaaladan ayay jooggaan, halkan ayay jooggaan waan ognahay.”
Gudoomiyaha ayaa yiri “Shabaab hadda waxaan la dagaalamaynaa kiisii qoriga sitay, islaamihiisa, carruurihiisa, ukumihiisa iyo kii berri’ la shaqeeyay, lama cafin doono. Ninkii guri ka ijaaray asagana inuu xabsi muteysanayo, gurigana in lala wareegayo oo dowladdu la wareegayso. Hadda qof kastaa Shabaab ha iska saaro.”
Beledweyne ayaa ahayd xudunta iyo halka laga abaabulo gulufka ballaaran ee ka socda gobolka, lana doonayo in lagu xoreeyo deegaanada ay mintidiinta Al Shabaab kaga sugan yihiin gobolkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com