Askari dilay Taliyihiisii oo lagu toogtay Magaalada Muqdisho

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Xidigle Cabdinaasir Daa’uud Sheekh Xasan oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, ka dib markii uu 29-kii bishii hore ee September uu dilay Dhamme Xoogga Dalka, Cabdi Maxamed Axmed (Hurdaaye), oo ahaa Taliyihii Gaadiidka ee Ururka 59aad.

Ninka askariga ah ayaa lagu qisaasay isla goobtii uu ku dilay Taliye Ururkiisii, oo ah Xerada General Gordon ee Magaalada Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada ayaa 2-dii bishan xukun dil toogasho ah ku xukuntay Cabdinaasir Daa’uud, markii uu qirtay inuu si bareer ah u dilay marxuum Hurdaaye.

Toogashada ka dib ayaa la isku dhinac aasay labada marxuum, waana markii ugu horreysay oo askari dil gaysta lagu toogto, goobtii uu wax ku dilay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com