General Indha-qarshe oo talo iyo tusaale ku biiriyay gulufka xididada loogu siibayo argagixisada

General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa bogaadiyay gulufka ay iska kaashanayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee ka socdo qaybo ka mida gobolada dalka.

Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qaba dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ee dalka ka socdo in uu yahay mid loo baahnaa, waqti sax ahna uu ku soo aaday.

“Dagaalkan hadda socda waxaan dhihi karaa waa wax loo baahnaa, oo waqtigii ku habboonaa yimid.” Ayuu yiri Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Isaga oo VOA la hadlayay ayuu yiri “Maantay shacabkii iyo dowladdii oo isla socda, oo labaduba wada socdo, laakiin hadda aan shacabka oo dhan ahayn oo degmooyinka qaas ah, haddii ay bilaabeen, anigoo rajeynaya degmooyinka kale ee ka dhiman inay ku biiraan, waxaan u arkaa guusha ugu weyn ee Al Shabaab looga adkaan karo.”

Waxa uu ku taliyay inay dadka deegaanku difaacdaan dhulkooda, marka laga saaro Al Shabaab, tani ayuu u sababeeyay, iyadoo aanay Dowladda Federaalku lahayn ciidan fara-badan, oo difaaca deegaan kasta oo Shabaabka laga saaro.

“Waxaa aad muhiim u ah oo marnaba lagama maarmaan ah, oo meel looga baxa lahayn in shacbigu difaacdaan deegaankooda, si kasta haddii la yeelo, maxaa yeelay suurtagal ma ahan Somaliya waa dhul weyn, intaad aragtayee le’egtahay, dowladduna ciidankeedu waa ciidan yar oo ciidan badan ma ahan.” Ayuu yiri General Daahir Aadan Cilmi.

Waxa uu intaasi ku daray “Ciidanku waxa uu awood u leeyahay meel kastoo Al Shabaab joogto, inta inuu weeraro ka saaro, awooddaas wuu leeyahay ciidanku, laakiin tuulo walba inuu ciidanku jooggo, awooddaas malaha ciidanku. Tuulo walba waxaa la rabaa dadka iska leh, marka la xoreeyo inay difaacdaan, dowladduna ay ku taakuleyso, haddii ay wax u baahdaan.”

Jananka ayaa ku baaqay “Waxyaabaha ugu waaweyn ee anigu aan arko oo shacbigaa uu u baahan yahay waa dawada, waxaa loo baahan yahay in isbitaalo laga sameeyo gobolada, maxaa yeelay dagaalka waa lagu dhaawacmaa. Tusaale ahaan, haddii Hirshabelle oo kale lagu dagaalamayo, waxaan soo jeedin lahaa isbitaal in laga sameeyo Buulo Burde, isbitaal weyn oo dadka lagu daweeyo, shacab iyo militariba, wixii dhibaato intaa dheer qaba, ka bacdi Xamar loo soo qaado. Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland in laga sameeyo isbitaalo noocaasi ah oo dadka lagu daweeyo, maxaa yeelay dadka, haddii la daweeyo oo dadka dhimashadiisa la yareeyo, waxay geesinimo gelineysaa shacabweynaha, si ay u dagaalamaan.”

General Indha-qarshe ayaa tilmaamay in markii hore shacabka ay ku kala aragti duwanaayeen Shabaab, qaarkood oo u arkayay inay waddo sax ah ku taagan yihiin, balse ay hadda garteen inaanay wadin sida uu yiri danta shacabka Soomaaliyeed, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay hoggaan si buuxdo shacabka ugu hoggaamiya dagaalka ay doonayaan inay isaga dulqaadaan Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

“Dadka hadda kuli way ku baraarugsan yihiin, waa la dhammaaday, waa la bislaaday, mar kasta oo saas uu dadka u bislaado hoggaamin bay u baahan yihiin, cid hoggaamisa oo dhabaha saxda ah ku hoggaamisa ayay u baahan yihiin. Waxaan u malaynaya waa waqtigii ugu wanaagsanaa, Madaxweynuhuna wuu ku habboon yahay ciddii hoggaamin laheyd, waxaana aaminsanahay xilligan inay tahay xilliga ugu fiican oo shacbiga Soomaaliyeed uu Shabaab iska xoreyn lahaa.” Ayuu yiri General Indha-qarshe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan sheegay in dowladda oo kaashaneysa shacabkeeda ay ciribtiri doonto maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com