Guudlaawe oo kormeeray goobihii qaraxyada Beledweyne ka dhaceen (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kormeeray goobihii ay maalintii Isniinta ka dhaceen qaraxyadii waaweynaa ee gilgilay Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha oo kormeerkan ay ku wehliyeen Kuxigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan iyo Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa u kuurgalay khasaaraha ay gaysteen qaraxyadaasi, oo ay Al Shabaab sheegatay.

Qaraxyadan oo saddex gaarayay, loona adeegsaday gaadiid walxaha qarxaha laga soo buuxiyay ayaa burbur baahsan u gaystay Xarumaha Madaxtooyada Hirshabelle, tan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo goobo kaloo ganacsi oo ku dhow dhow.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay u soo gurmadaan dadkii hantidooda ku waayay sida uu yiri qaraxyadaasi argagixiso.

Qaraxyadan ayaa galaaftay nolosha 30 qof iyo dhaawaca 58 kale, sida uu kol hore Warbaahinta u sheegay Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com