Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo gaaray Magaalada Jigjiga (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiilwaal ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar).

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Magaalada Jigjiga ku shir guddoomin doona Shirka Guddiga Fulinta ee Xisbiga Talada-haya (PP), oo Sabtida ka furmaya magaaladaasi.

Shirka oo noqonaya kiisii ugu horreyay ee Jigjiga lagu qabto ayaa waxaa ka qaybgelaya Madaxda Dowlad Deegaanada ee dalkaasi iyo Wasiiro Heer Federaal ah.

Shirka Guddiga Fulinta ee Xisbiga Barwaaqo ku yeelanayaan Magaalada Jigjiga ayaa imaanaya, xilli Dowladda Federaalka iyo Jabhadda Tigrayga ee TPLF ay aqbaleen wada hadal uu garwadeen ka yahay Midowga Afrika.

 

 

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com