Shabaab oo maleeshiyaad badan looga dilay dagaalkii maanta ka dhacay Basra

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyada Al Shabaab uu maanta dagaal culus ku dhex maray tuulada Muryaale, oo dacalka ku haysa deegaanka Basra ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga, Cabdikaamil Shukri Macalin ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay ka hortaggeen maleeshiyada Al Shabaab, oo isu uruursanayay sida uu sheegay tuulada Muryaale.

Ciidamada ayaa roondo waday, xilligii uu dagaalku dhacayay, iyadoona ciidamadu la sheegay inay hadda ku raad jooggaan firxadka maleeshiyadaasi.

Cabdikaamil Shukri ayaa sheegay in dagaalkii maanta lagu dilay 19 ka mida maleeshiyada Al Shabaab, ha yeeshee ma sheegin khasaaraha dhanka Ciidamada Dowladda ka soo gaaray dagaalkaasi.

Ciidamada Dowladda ayaa dhawaan la wareegay deegaanka Basra, oo Shabaabku ku lahaayeen Xarun Maxkamadeed, waana deegaanka xiriiriya Labada Shabelle oo laamaha amnigu u arkayeen mid ay Shabaabku ka soo abaabulaan falalka ay ku dhibaateeyaan dadka reer Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com