Wada hadaladii Dowladda Itoobiya iyo Tigrayga oo dib u dhac uu ku yimid

Waxaa dib u dhac uu ku yimid dadaaladii la doonayay in dhammaadka toddobaadkan miiska wada hadalada la isugu keeno Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Gobolka Tigrayga ee TPLF.

Labada dhinac ayaa Arbacadii aqbalay inay isugu yimaadaan dalka Koonfur Afrika, ka dib markii uu ku soo martiqaaday Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki, si loo soo afjaro colaadda jirsatay muddada labada sano ku dhow.

Saraakiisha Tigrayga iyo ilo kaloo diblomaasiyadeed ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in wada hadaladu ay dib u dhaceen, sababo ku aaddan dhanka farsamada ee qabsoomidda wada hadaladaasi.

Ilo wareedyada diblomaasiyadeed oo codsaday inaanan la magacaabin ayaa sheegay in aan weli la cayimin waqtiga cusub ee wada hadaladaasi qabsoomi doonaan.

Wada hadaladan ayaa la qorsheeyay inuu dhexdhexaadiyo Ergeyga Gaarka ee Midowga Afrika, Olusegun Obasanjo, oo ay wehlinayaan Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Koonfur Afrika, haweeneyda lagu magacaabo Phumzile Mlambo-Ngcuka.

Colaadda ayaa 24-kii bishii August ka soo cusboonaatay waqooyiga Itoobiya, ka dib xabad joojintii ay dhinacyadu gaareen bishii March.

Tobanaan qof oo rayid ah ayaa ku dhintay colaadda ka taagan dalka labaad ee ugu dadka badan Qaaradda Afrika, iyadoo dad fara-badana ay ku barakaceen.

Wada hadalada uu garwadeenka ka yahay Midowga Afrika, Midowga Yurub-na uu taageeray ayaa loo arkaa mid lagu soo afjari karo colaadda dalkaasi, haddii labada dhinac ay heshiis ka gaareen waxa ay isku hayaan, isla-markaana aanay jirin fara-badan dibadda ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com