Duqayn ay dad badani ku waxyeeloobeen oo ka dhacday duleedka Mekelle

Ciidanka Cirka Itoobiya ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii weerar dhinaca cirka ah ka gaystay deegaan hoostagga Magaalada Mekelle, taasoo galaafatay nolosha dad rayid ah.

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa ku dhintay duqayntan, halka 37 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dr. Kibrom Gebreselassie, Agaasimaha Isbitaalka Guud ee Mekelle ayaa sheegay in isbitaalkooda la soo gaarsiiyay 42 qof oo dhaawac ah, kuwaa oo 5 ka mida ay geeriyoodeen.

“Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa duqayn ka gaysatay deegaanka Dengolat oo 30km u jira Magaalada Mekelle, duqaynta ayaana sababtay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.” Ayuu yiri Kibrom Gebreselassie.

Waxa kaloo uu yiri “Illaa iyo hadda ma cadda tirada guud ee dhimashada, isbitaalkeena waxaa la soo gaarsiiyay 42 qof oo dhaawac ah, 5 ka mid ah ayaa dhintay.”

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli wada hadaladii Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Tigrayga ku lahaayeen dalka Koonfur Afrika uu dib u dhac ku yimid.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com