Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo lagu dilay Gobolka Shabellaha Hoose

Horjoogahan iyo saddex iyo toban kale oo ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab ayaa xalay lagu dilay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Maxamed Nuur Shire uu mintidiinta Al Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Shabellaha Hoose.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa deegaanka Janaale ku dilay Horjooge Maxamed Nuur Shire oo argagixisada u qaabilsanaa Gobolka Shabellaha Hoose iyo 13 dhagarqabe oo kale.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Twitter-ka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ka hortaggeen isku day ay Al Shabaab dooneysay inay ku dhibaateyso dadka reer Janaale.

“Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka hortagay dhagar ay argagixisada u soo maleygayeen shacabka ku dhaqan deegaanka Janaale.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalamaya ayaa wajahaya hujuum weyn oo ka soo fuulay dhanka Ciidanka Xoogga Dalka iyo shacabka Soomaaliyeed qaybtood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ku hanjabay in dowladdiisa oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed ay soo afjari doonto kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com