Dagaal saacado badan socday oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Mintidiinta Al Shabaab ayaa jab xoogan kala kulmay weerar ay ku qaadeen fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda ku leeyihiin deegaanka Jicibow, oo 30km dhanka waqooyi kaga beegan Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa la sheegay inay saakay weerar saf ballaaran ku ekeeyeen fariisimaha ciidamadu ku leeyihiin dhanka bari ee deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in deegaankan oo Webiga Shabelle uu maro in ay ciidamadu difaacdeen gacan ku hayntiisa, ka dib markii mintidiintu ay fiidnimadii caawa bilaabeen in ay fuulaan buurta dusheeda, halkaas oo la soo sheegayo in lagu hareereeyay.

Cabdullaahi Goodax Barre oo horey u soo noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa yiri “Waxaan u hambalyaynayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisley, guusha weyn ee ay ka gaareen deegaanka Jicibow ee hoostagga Degmada Buulo Burde. Mujrimiinta oo in ka badan 500 oo nin ku soo weeraray deegaanka Jicibow ayaa jab xoogan loo gaystay, qaar la dilay, qaar dhaawac lagu qabtay iyo qaar buur dusheeda go’doon ku ah oo lagu hareereysan yahay ayay noqdeen.”

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ujeedka Shabaabku uu ahaa inay cagta mariyaan saldhigga ciidamada, balse ay ku hungoobeen.

“Waxa uu qorshahoodu ahaa in ay cagta mariyaan saldhigga ciidamada wadajirka ah, balse si la yaqaan ayay ciidankii sutida ugu qabteen Khawaarijtii weerarka soo qaaday, dhegta ayaana dhiigga loo daray. Loogama harin ee waa la daba-galay, waxay galeen dhul buureed kayn ah oo ay sii sahansadeen. Taliyeyaasha Ciidamada waxa ay amreen in la go’doomiyo keliya, si aanay fursad ugu helin in ay u tallaabaan dhanka galbeed. Khawaarijtuna waxa ay dan u arkayn in la isku habeensado, ka dina ay helaan dooman ay ku gudbaan, kuna qaataan dhaawaca iyo meydadka soo gaaray oo aad u baaxad weyn.” Ayuu yiri Xildhibaan Macalimuu.

Macalimuu ayaa yiri “Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka waxa galabta u soo gurmaday ciidamo badan oo ahaa kuwii fidhiyay Yasooman iyo qaar Halgan ka soo baxay. Hawlgal aan garan karin ayay ciidamada oo amaro ka helaya Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed la damacsan yihiin haraadiga go’doonsan. Haddii Shabaab xero inta ay weerar gaadma ah ku soo qaaaan ay cagta marin jireen, hadda waxa yimid kuwa kalsooni iyo dhiiranaan qaba oo hubkooda ku xisaabtamaya.”

Xubno badan oo maleeshiyada Al Shabaab looga dilay dagaalkaasi ayaa caawa muuqaaladooda leeskula wadaagaya barraha bulshada.

Waa mid ka mida dagaalkii ugu khasaaraha badnaa ee Shabaabka loogu gaysto Gobolka Hiiraan, tan iyo intii uu gobolkaasi ka bilowday gulufka ka dhanka ah maleeshiyadaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com