Madaxweynaha oo kala diray Guddiyada Adeegga Garsoorka & La dagaalanka Musuqmaasuqa

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud, markuu arkay Qoraalka Sumadiisu tahay XG/504/B-12/021 ee ka soo baxay Aqalka Sare laguna sheegay in Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo Xubnaha Guddiga La dagaalanka Musuqmaasuqa aan hawlgelintooda loo marin hannaanka Dastuurka iyo Xeerarka waafaqsan ayaa Xeer Madaxweyne ku baabi’iyay Xeerarka Madaxweyne ee kala ah Lr 357 iyo Lr 358, si loo toosiyo hannaanka dhisidda Golaha adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee La dagaalanka Musuqmaasuqa.

Madaxweynaha oo ka duulaya ahmiyadda ay labadan guddi u leeyihiin Dowladnimada Soomaaliyeed iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in dhismahooda loo maro nidaam waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka dalka ayaa xukuumadda faray in ay u soo dhisaan labadan guddi si waafaqsan qodobbada 71-aad, 109A iyo 112-aad ee Dastuurka Kumeel-Gaarka ah iyo qodobka 7-aad ee sharciga dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo magaacaabista Guddiga Madaxa-Bannaan ee La dagaalanka Musuqmaasuqa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in la baabi’iyay dhammaan wixii go’aanno ahaa ee ay gaareen muddadii la hawlgeliyey Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Guddiga MadaxaBannaan ee La dagaalanka Musuqmaasuqa.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqangalay, Oktoobar 09, 2022, oo ah markii lagu baahiyay faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com