Maxaa lagu haystaa Sheekh Xasan Daahir Aweys?

Dowladda Federaalka ayaa Sheekh Xasan Daahir Aweys ka joojisay barrihii bulshada ee uu istcimaalayay, tan iyo markii uu dowladda isu soo dhiibay.

Sheekh Xasan Daahir Aweys, Hoggaamiyihii hore ee ururkii burburay ee Xisbul Islaam ayaa xabsi guri ku ah dhisme ku dhow Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Magaalada Muqdsiho.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga ayaa Sabtidii tegay hoygiisa, iyaga oo ka qaaday teleefankiisii gacanta iyo laptop-kii uu haystay, waxayna u sheegeen inaanu haatan ka dib isticmaali karin wax isgaarsiin ah.

Wadaadkan ayaa waxaa saameeyay qorshaha curdunka ah, ee ay Villa Somalia ku xireyso barraha internet-ka ee lagu taageero afkaaraha Al Shabaab.

Dowladda ayaa sheegtay inay hawada ka saartay barro internet-ka ah oo taabacsan Al Shabaab, sidoo kalena ay hawada ka saartay 40 bog oo Shabaabku ku lahaayeen Facebook iyo Twitter.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sanadkii 2013 isu soo dhiibay Dowladda Federaalka, ka dib markii ay is qabteen Hoggaamiyihii hore ee Al Shabaab, Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane).

Sheekh Xasan Daahir ayaa maalmihii ugu dambeysay kordhiyay weerarada afka ah, ee uu ku hayo Villa Somalia, sababo ku aaddan isaga oo ka careysan duqayn dhanka cirka ah oo lagu dilay wiil uu dhalay.

Ibraahim Sheekh Xasan Daahir ayaa 1-dii bishan lala dilay Cabdullaahi Nadiir oo ka tirsanaa Saraakiisha sar sare ee Al Shabaab, duqaynta ayaana ka dhacday deegaanka Xaramka ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Sababta uu hadda Sheekh Xasan Daahir Aweys xabsi guriga ugu jiro ayaa ah, isaga oo ka biyo diidan in uu Warbaahinta ka caddeeyo in uu ka tanaasulay fekerka Al Shabaab.

Sheekh Xasan Daahir ayaa la xusuustaa inaanu si toos ah ugu biirin Al Shabaab, balse dagaal ururkiisii looga adkaaday ayay khasab kaga dhigeen in uu iyaga ka mid noqdo.

Sheekha ayaa horaan Dowladda Federaalka ka dalbaday inay xoriyaddiisa dib u siiso, markaasi ka dibna uu isaga oo madaxbannaan Warbaahinta ka sheegi doono in uu ka baxay Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama, ha yeeshee taasi uma aanay cuntamin dowladdu.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com