Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale.

Marxuum Daahir Xasan Guutaale oo muddo 50 sano ah (1972 – 2022) u soo shaqeeyay Dowladda Somaliya ayaa waxa uu horey u soo qabtay xilal kala duwan, isaga laba jeer soo noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, sanadihii 2000-2004 iyo 2008-2012.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Marxuum Daahir tiir muhiim ah oo ka baxay Dowladnimada Soomaaliyeed, kaas oo maskax iyo talooyin wanaagsan ku soo kordhiyay nidaamka dowliga ah.

Ra’iisal Wasaare Barre wuxuu si gaar ah ugu tacsiyeeyay wiilkiisa, oo ah La taliyaha Amniga ee Ra’iisul Wasaaraha, Kamaal Daahir Guutaale, isagoo Allaah uga baryay marxuumka in uu ka waraabiyo Janatul Fardows, guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo eheladii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com