Ruushka oo duqayn ay dad badani ku dhinteen ka gaystay Gobolka Zaporizhzhia (SAWIRRO)

Ka dib weerarkii buundada Gacanka Crimea, Ciidamada Ruushka ayaa weerar u muuqday mid aargoosi ah ka gaystay Gobolka Zaporizhzhia.

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa aroornimadii hore ee saaka duqayn ka gaystay dhismayaal la degan yahay, oo ku yaala magaalada koonfur bari Ukraine ku taala ee Zaporizhzhia.

Ugu yaraan 17 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay duqayntaasi, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacantay.

Gudoomiyaha Dowladda Ukraine ugu magacaaban Gobolka Zaporizhzhia, Oleksandr Starukh ayaa sheegay in 12 gantaal oo Ruushku ka gaysteen gobolkiisa ay qayb ahaan burburiyeen dhisme ka kooban sagaal dabaq, isla-markaana ay dhulka la simeen shan dhisme kale oo la degan yahay.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa falkani ku tilmaamay xumaan buuxda, ayna masuuliyadda qaadi doonaan kuwii amarkaasi bixiyay iyo cid kasta oo fulisayba.

“Macnaha dhabta ahi waa xumaan buuxda, dulmi iyo fal argagixiso, laga soo bilaabo kii amarkan bixiyay iyo cid kasta oo fulisayba. Waxay hubaal qaadi doonaan masuuliyadda, sharciga iyo dadka hortooda.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Weerarka ayaa imaanaya, ka dib duqayn ay Khamiistii 14 qof ku dhinteen ay Ciidamada Ruushka ka gaysteen magaaladaasi, halka 30 kalena toddobaadkii ka sii horreyay lagu dilay weerar loo gaystay gaadiid ay dadka rayid ahi la socdeen.

Zaporizhzhia waa mid ka mid ah afarta gobol ee Ukraine, ee Ruushku sheegay inuu ku darsaday dhulkiisa, ka dib aftidii bishii September.

Zaporizhzhia waxaa ku taala Warshadda Nuclear ee Yurub ugu weyn, waana warshadda loo adeegsado dhanka tamarta.

Warshaddan ayaa waxaa bishii March la wareegay Ciidamada Ruushka, balse waxaa ka hawlgala farsama yaqaano reer Ukraine ah oo dusha laga ilaaliyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com