Shabaab oo digniin adag u jeediyay Warbaahinta madaxabannaan

Ururka Al Shabaab ayaa war ka soo saaray qorshaha bilowga ah, ee ay Dowladda Federaalka ku xireyso barraha ku hadla afka ururkaasi, iyagoo dhanka kalena digniin u jeediyay Warbaahinta madaxabannaan ee dalka ka hawlgasha.

Al Shabaab ayaa sheegtay inay Dowladda Federaalka bilowday in ay cadaadiso Warbaahinta, ka dib markii ay sheegtay inay ku guuldareysatay dagaalka ay kula jiraan.

Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaalka ay kula jirto Dowladda Federaalka uu ku taagan yahay laba tiir, kuwaa oo ay ku kala sheegtay “1: Midka koowaad waa dagaalka gacanta ee fool ka foolka ah. 2: Midka labaad waa dagaalka afka ee ku dhisan xujada iyo bayaanka.”

Al Shabaab ayaa warka ku sheegtay “Ka dib markii ay ku khasaartay gulufkii ay soo kicisay ee ka dhanka ahaa Shareecada Islaamka, waxay xukuumadda bilowday inay Warbaahinta cadaadiso, una caga jugleyso, kuna khasabto inay wararkeeda keliya tebiyaan, iyadoo doonaysa inay sidaas ku damiso nuurka Allaah ee iftiimaya, kuna caburiso risaalada xaqa ah ee ay wadaan mujaahidiinta, dadkana kaga daboosho, kana hor istaagto inay helaan xogta saxda ah iyo xaqiiqada dagaalka ay xukuumadda ku jirto ee ka dhanka ah Shareecda Islaamka.

Waxaana xukuumadda iyo madaxda hoggaamisa ku kalifay inay ku dhaqaaqaan arrintan ayada ah inay doonayaan inay ku qariyaan guuldaradii ay kala kulmeen goobaha dagaalka, kuna duugaan caddeymaha mujahidiinta ee burinaya dhammaan beenta ay barraha bulshada ku baahinayaan, Muslimiintana ku marin habaabinayaan.”

Al Shabaab ayaa sheegtay in Warbaahin kasta oo awaamiirta Dowladda Federaalka fuliso ay u aqoonsan doonaan kuwo qayb ka ah duulaanka lagu soo qaaday sida ay sheegtay dalka.

“Haddaba iyadoo laga ambaqaadayo loolankaas soo jireenka ah ee u dhaxeeya xaqa iyo baadilka ayaa waxaan halkan uga digaynaa dhammaan Warbaahinta ka shaqeysa gudaha Somaliya inay ka qayb qaadato dagaalka ka dhanka ah Shareecada Islaamka. Warbaahin kasta oo si bareer ah ama si dadban ula safata cadowga iyo xukuumadda, kana qayb qaadata duminta Shareecada Islaamka iyo dhaleecaynta jihaadka lagula jiro cadowga dalka ku soo duulay, waxaan u aqoonsanaynaa inay qayb ka tahay duulaanka lagu soo qaaday dalkeena ee ay gaaladu hormuudka ka tahay.” Ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Al Shabaab.

Dowladda ayaa sheegtay inay hawada ka saartay barro internet-ka ah oo taabacsan Al Shabaab, sidoo kalena ay hawada ka saartay 40 bog oo Shabaabku ku lahaayeen Facebook iyo Twitter.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com