Xoghayaha cusub ee Golaha Shacabka oo xilka kala wareegay Cabdikariin Buux (SAWIRRO)

Xoghayaha cusub ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa galabta xilka kula wareegay munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeisa, waxaana goobjoog ka ahaa Habdhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) iyo Kuxigeenadiisa oo kala ah Xildhibaan Sahra Cabdullaahi Cigaal iyo Xildhibaan Cabaas Cali Ibraahim, La taliyaha Arrimaha Siyaasadda & Amniga ee Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Xasan idiris.

Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka, Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa feylasha ay ku kaydsan yihiin xogta Golaha Shacabka iyo dhammaan howlaha xafiiska ku wareejiyay Xoghayaha cusub ee Golaha Shacabka, isagoona sheegay in uu ku faraxsanyahay, isla-markaana uu ku kalsoon yahay aqoonta iyo kartida shakhsiga kala wareegay xafiiska, waxaana uu kula dardaarmay in uu shaqada meesha ka sii amba-qaado.

Xoghayaha cusub ee Golaha Shacabka ayaa uga mahadceliyay Xoghayihii hore shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu Xafiiska joogay, isaga oo ballanqaaday in uu halkeeda ka sii wadi doono.

Habdhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) oo geba-gabadii munaasabada soo xiray ayaa Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka ku ammaanay howlkarnimadiisii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu goluhu ka soo qabtay, waxaana uu kula dardaarmay Xoghayaha cusub ee maanta xilka la wareegay in ay shaqadiisa noqoto mid ay ku dheehan tahay daacadnimo iyo howlkarnimo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com